Weerar Saaka Aaroortii Hore ay Al-shabaab Ku Qaadeen Xarun uu Degenaa Mid kamid ah Dadka Caanka ah ee Galkacyo.

0
541

Ninkan Caanka ah oo Dadku Fekrado kala Duwan ka Aamin Sanyihiin ayaa Waxaa Lagu Magacaabi Jirey Shekh Cabdiweli Sida aad ka Dheehan karto Deegaanka oo Dhan waa La Burburiyey Goobta ayaana Lagu Diley isaga iyo Qaar kamid ah Xertiisa iyo Caruur uu Isagu Dhaley Sida Lasoo Sheegayo.

Ciidamada Amniga Magaalada Gaalkacyo oo Dagaal Ba’an la Galey Kooxda Weerarka Soo Qaadey ayaa Sheegay in ay Afar Qof Ahaayeen Dadka Xarunta Soo weerarey Sadex waa Dhimatey Halna Nolol ayaan Ku Haynaa ayey Ciidamadu Sheegeen In kastoo aysan soo Ban Dhigin dad Nool.

Weerarkan ayaa u Muuqda in uu Salka ku Hayo Feker Kala Duwanasho Xagga Caqiidada iyo Diinta Islaamka Taasoo Marar Badan Muran ka Dhashey Wadaadka iyo Dadka Deegaanka Dhexdooda Walaw uu isagu Beeniyey Sawir La Sheegay in uu Soo Bandhigay Kuna Sheegay Nabi Muxamed CSW iyo waxyaabo kale.