Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir Guddoominayay ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay Warqad ay ku saxiixan yihiin toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka.
“Warbixin guddi marka golahu la keenayo waa iney soo martaa Guddiga joogtada ah,mana la soo marsiin waana gef,raali gelin baa idinka siineynaa shacabka Soomaaliyeed baa raali gelin ka siineynaa,dalkana meel fiican buu marayaa howl adag oo miisaaniyada 2019-ka noo taala,ansixintii iyo iyo ka doodistii xisaab xirkii 2017-kii,yeynaan waxaan jirin ku mashquulin, yeynaan hay’addaheena isku burburinin, yeynaan Kalsoonida ka qaadin shacabka Soomaaliyeed,intaasi waxaa weeyaan warbixintan habraacii uu xeer hoosaadka qorayay annagu maanaan soo marsiinin waxaa weeye umanna dhammeystirna ee xubnihii soo gudbiyeyna kuma qorna xubnihii la soo wareystayna kuma lifaaqna, waxaa weeyaan waxyaabihii loo baahnaa cadeymahoodana kuma lifaaqna,sidaasi owgeed agendaha ku saabsan warbixinta halkaasi ayuu ku egyahay soo qaadis dambena malahan,”ayuu yiri Guddoomiye Cawad.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaarinta warbixinada isagoo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.
Tan ayaa U Muuqata In Gudiga Maaliyadda Barlamaanka La Dhex galey oo Qaar Kamid ah ay Caaddeeyeen in aaney Warbixinta Waxba Ka Ogeyn,Iyadoo Qoladii Warbixintu Eedeyneyseyna ay Garab iyo Hiil ka Heleen Gudoomiye kuxigeenka 2’aad ee Barlamaanka Mahad Cabdalla Cawad Kaas oo Maanta Fursad u Helay In uu Waxba Kama Jiraan Raaligelin Laga Bixinayo Kasoo Qaadey Warbixin ay Gudi u xilsaaran Daba galka Maaliyada Qaranka Soo Gudbiyeen, Dhulkana Lagu Jiidey Loona Qaadan karo In Musuq Maasuq La Dhex GeliyeyWarbixinta Lafteeda,Mana Muuqato Sabab Lagu Qanci karo oo Waxba Kama Jiraan Ka Dhigeysa Warbixinta Guddiga, Maxaa Yeelay,Waxaa Caddeyn u ah Haddii Warbixintu Baal Marsantahey Xeer Hoosaadka iyo Qawaaniinta Dalka Maxey u Dhacdey In Barlamaanka Laga Hor Aqriyo Xubnaha Barlamaankana Loo Qaybiyo,Guntii Iyo Gabangabadiina Timir Laf ayaa Ku Jirta ee Meesha Isla Xisaabtan Lagama Ogola.











