Ra’iisul Wazaare C/wali Gaas Oo Ka Hadlay Soo Xiritaanka Shirkii ICG Ee Magaalada Djibouti

0
483

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee WarsomRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta soo xiritaankii shirkii ICG ee magaalada Djibouti ka soo jeediyey khudbad xiritaan ah (Closing Statement) Kadib Kulankaasi ay Ka Qybgaleen Madax Farabadan Oo Ka Tirsan Beesha Caalamka.

Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas

Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Djibouti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Xarakada Al-Shabaab,

Sidoo Kale Waxaa kaloo laga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xorreeyo Al-Shabaab, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay Shirka London ee 23 February 2012 oo la isku raacay in shirkaas uu noqdo mid maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto oo looga hadlo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga

Ugu danbeyntii waxaa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012, isla markaana la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda Oo Ay Madaxdii Farahabadneed Ay Guud Ahaan Isku Raacday.

Dr GaasWararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday beesha caalamka inay mowqif mideysan yeeshaan oo shirka london lagu xoojiyo sidii ciidamda Soomaalida iyo hay’adaha amniga dib loogu dhisi lahaa iyo in roadmap ka iyo Garowe Principles ay noqdaan saldhigga dooda iyo Guud Ahaan waxqabadka Dowlada TFG-da Soomaaliya.