Wariye Xasan Fantastic Oo Lagu Aasay Qabuuraha Baqdaad Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho

0
519

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

ALLA ha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho agaasimihi Idaacada Shabelle Xasan Isman Cabdi (Fantatic) oo xalay rag hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.

Aaska fantastic oo ka dhacay qabuuraha Baghdad ee duleedka degmada Wadajir ayaa waxaa kasoo qeybgalay wariyaal, madax ka socotay ururada u dooda xuquuqda saxaafada, iyo dad ka kala socday dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Meydka wariyaha ayaa laga soo qaaday isbitaalka Madina halkaas oo lagula tukaday salaada janaasada ka hor inta aanan loo soo galbin gurigiisa saxda ah (Qabriga) oo loogaga soo qaaday gawaari kolonya aheyd.

Aaska kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay wiil la dhashay isaga oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Ismaan, kaasi oo wariyaasha uga warbixiyey taariikhdiisa oo kooban.

“Xasan waxa uu ku dhashay degmada Jilib sanadki 1981-ki, waxa uu ku barbaaray Muqdisho oo uu ku qaatay waxbarashadiisa ilaa dugsiga sare, muusan ka bixin jaamacad, waxa uu howlaha saxaafada ku biiray mudo iminka laga joogo afar sano, waxaana uu ifka uga tagay 3 caruur ah iyo xaas,” ayuu yiri.

Xasan Fantastic ayaa noqonaya agaasimihi sadexaad oo laga dilayo idaacada Shabelle, waxaa horay loo dilay laba agaasime oo isaga ka horeysay kuwaasi oo kala aha, Bashiir Nuur Geedi iyo Mukhtaar Maxamed Hiraabe.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)