Ra’iisul Wazaaraha Dowlada Ithopia Oo Sheegay In Ay Ciidamada Ithopia Ka Saari Doonaan Guud Ahaan Dalka Soomaaliya

0
1347

  Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

 Meles Zenawi  oo ah Ra’isulwasaaraha dalka Ethiopia ayaa sheegay in ciidamadiisa kala bixi doono dalka Soomaaliya marki ay ciidanka AMISOM soo gaaraan deegaanada ay hada qabsadeen Islamarkaan ay ku wareeji Doonaan.

magaalada Addis Ababa Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay ayuu kaga hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan galitaanki ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya Ku Sugan Iyo Sidii Ay Kaga Bixi Karaan.

Meles Zenawi “Waxaanu rajeyneynaa in ciidanka Amisom ay awood u yeelan doonaan in ay buuxiyaan halka aan hada joogno ka hor inta aanan ka bixin Soomaaliya,”

Dowlada Ethiopi ayaa u dirtay dalka Soomaaliya ciidamo kumanaan ah bishi October si ay ula dagaalamaan Xarakada Al Shabab, dhowr jeer ayey horay u inkirtay in ay ciidankeedu ka gudbay xadak Soomaaliya Islamarkaan ay la dagaal;amayaan Xarakada Al-shabaab.
 
Dowlada Ithopia ayaa 31-ki bishi December Gacanta Ku Dhigtay  magaalada Beledweyne kadib dagaal ay la galeen Xarakada Al Shabab, laakin Salaasadi lasoo dhaafay ayaa xarun ay ku leeyihiin bartamaha magaalada lagula eegtay qarax ismiidaamin ahaa Kaasi Oo Qasaaro Farabadan u Geestay Ciidamada Ithopia Ee Halkaasi ku Sugnaa.
 
Dowl;ada  Ethiopia ayaa sidaan oo kale ciidamo ugu dirtay Soomaaliya sanadki 2006 kuwaasi oo af ganbiyey Maxkamadihi Islaamiga ahaa ee Soomaaliya, laakin waxay ka baxeen dalka sanadki 2009 iyagoon Wax Natiijo Ah Ka Gaarin Arintii Ay U Soo Galeen Dalka Soomaalya. 

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)