Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Ku Dhawaad Kumanaan dadweyna ah oo u badnaa dhalinyaro ayaa kasoo qeybgalay banaanbaxaani manta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho Gaar ahaan Tiyaatar Iyo Agagaaraheeda
Somali Youth Network (SYN) Oo Micnaheeda Tahay Shabakada Isku xirka dhalinyarada Soomaaliyed Oo Banaan baxan soo qaban qaabisay ayaa dhalinyarada ugu Baaqday in ay ka qeynqaataan Nabada Dalka Soomaaliya,
Dhallinyarada ka soo qeyb galay ayaa waxa ay ku soo bandhigeen shucuurtooda ku aadan sida ay u doonayaan inay gacan uga geystaan isbedel ka dhaca dalka, taasi oo ay ku muujiyeen isku xirka loo baahan yahay in dhalinyarada ku kulmaan
Xubno Kala Duwwan Ee ka Kala Socda Mas’uuliyiinta Dowlada TFG-da ka Oo KA Qeyb Galay ayaa waxa ay kala ahaayeen Warsame Joodax Oo ah Guddoomiye K/Xigeenka G/Banaadir, Warsame Joodax, Prof. Dhalxa oo Isna ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Gudoomiyeyaasha degmooyinka Wardhiigley, Xamar Jajab, Howl-wadaag iyo Col. Garaad Nuur Cabdulle.Oo Ah Taliyaha Ciidamada Booliska qeybta Bartamaha
Dhamaan Madaxtaasi Kala Duwan Ayaa Qodbada Kala Duwan KA Soo Kala Jeediyay Kulankaasi Banaanbaxa ah Islamarkaana Sheegeen In Ay Dhamaan Dhalinta KA Qeybqaataan Dib U Soo Celeinta Nabada Dalka Soomaaliya
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




