Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Lagu Dilay Qaarna Gacanta Lagu Dhigay Burcad Suuqa Dhac ka Geysaneysey.

0
550

Burcadan oo dhacooda u adeegsan jiray Mooto Bajaaj ayaa waxaa gacanta ku dhiggay oo qabtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah raggan toogasho lagu dhaawacay.

Raggan ayaa labo ka mid ah u suur-tagashay ciidamada dowladda in ay gacanta ku dhiggan, waxaana uu mid ka mid ah ku dhaawacmay howlgalka ciidamada.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga Maxamed Tuulax ayaa sheegay howlgal ciidamada Booliska sameeyeen kaddib lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo labo ka mid ah koox burcada ah.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waayadii ugu danbeeyay cabasho ba’an ka muujinayay tuugo dhac u geystay goobaha gacansiga suuqa iyo dadka u soo dukaameysi taga intaba, hasse ahaatee ciidamada dowladda ayaa wada howlgalo ay kula dagaalamayaan Burcada.

Labada ruux ee la qabtay ayeey ciidamadu ku soo bandhigeen meel fagaaro ah, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay gaarigii ay dhaca u adeegsan jireen.