Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab

0
597

 

wararka somliya warsom.com

 

الحمد لله القائل في كتابه العزيز: ﴿إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ

 إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُمْ بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعًا بَصِيرًا﴾، وصلى الله على نبيه الكريم القائل: «كلكم لآدم وآدم من تراب، ولا فضل لعربي على أعجمي، ولا أبيض على أسود، ولا أسود على أحمر، إلا بالتقوى»، وعلى آله وصحبه ومن تبعهم بإحسان إلى يوم الدين أما بعد:

Islaamku wuxuu leeyahay ujeedooyin waawayn oo rasmi ah waxaa ka mid ah in diintu qofka Muslimka ah dhan kasta ka xifdido si uu ugu noolaado  nolol nabadgelyo ah oo aanu arkayn wax dulmi iyo gardaro ah.

Diinteena ayaa ku salaysan caddaalad iyo eex la’aan, qof kastaana xaqiisa iyo waajibaadkiisa ayuu helayaa,  taariikhda Banii Aadamka masoo marin caddaalad la mid ah midda ay ka heleen diinta Islaamka, caddaaladdaasi oo  aan  la helayn ilaa la raaco Shareecada Allaha Raxmaanka ah, lana fuliyo xuduudda Allaah ku faral yeelay adoomihiisa, waxayna caddaaladaasi gaaraysa dhammaan dadka oo dhan.

قال الله تعالى: ﴿يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآَنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ﴾ (المائدة، 8). وقال تعالى: ﴿إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسَانِ وَإِيتَاءِ ذِي الْقُرْبَى وَيَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنْكَرِ وَالْبَغْيِ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ﴾ (النحل، 90). وقال تعالى: ﴿إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ﴾ (النساء، 58).

 

Waxay taariikhdu baal dahab ah inoogu qortay oo siiradii Rasuulka صلى الله عليه وسلم  ku sugan dhacdooyin ku tusaya heerka caddaaladda Islaamka, dhacdoyinkaasi oo noqday tusaale ay ifsanayeen dhammaan banii aadamku wakhtiyo badan.

Waxaa jira Xadiith Caa’isha رضي الله عنها laga wariyay oo Macnihiisu ahaa: “ Quraysh waxaa murug galiyay arrinka gabar reer Banii Makhzuum ah, gabadhaas oo wax xaday, waxay yiraahdeen “yaa gabadhan rasuulka صلى الله عليه وسلم kala hadlaya” [si xadka gacan goynta looga dhaafo] waxay yiraahdeen “ Usaama binu Zayd رضي الله عنه cid aan ahayn oo arintaasi ku dhiiran kartaa ma jirto, waayo Usaama Rasuulka صلى الله عليه وسلم ayaa jecel ” Usaama ayaa rasuulkii kala hadlay arrinka gabadhii, Rasuulku صلى الله عليه وسلم waxa uu ku yiri Usama “ ma waxaad ka ergaynaysaa xad ka mid ah xuduudaha Allaah” kadib ayuu Nabigu صلى الله عليه وسلم khudbad u kacay, wuxuuna yiri: “ Ummadihii idinka horreeyay waxaa halaagay in marka kooda sharafta leh uu wax xado ay iska dhaafaan, marka uu midka daciifka ahi wax xadana xadka ayay ku fulin jireen,  Allaah ayaan ku dhaartee haddii ay Faadumo bintu Muxamed wax xado gacanta ayaan goyn lahaa).

Sidaasi ayay ahayd taariikhda iyo caddaaladda Islaamku oo qofna lagama habran jirin, Xadka ayaa laga oofiyaa qof kasta oo ku dhaca xad ka mid ah xuduudaha Allaah, amiirka ama khaliifka mu’miniintaba ha ahaadee.

Waxaa tusaale cad inoogu filan Cumar Binu khaddaab ضي الله عنه oo ahaa Amiirkii Mu’miniinta waxa u yimid nin kirishtaan ah oo Masar ka yimid kana soo dacwooday Camru Binu Caas ضي الله عنه oo amiirka Masar ahaa. Kadib Cumar wuxuu faray ninkii soo dacwooday inuu ka qisaasto Camru binu Caas.

Tusaale labaad waxaa inoo ah Cali Binu Abii Daalib ضي الله عنه oo isaguna ahaa Khaliifkii Mu’miniinta waxay is dacweeyeen nin Yahuudi ah oo ka qaatay diriciisii Dagaalka, waxay isula tageen qaadiga, waxaa diricii loo xukumay Yahuudigii.

Tusaalayaashaa caddaaladda ee Saxaabadii iyo Salafkii ay dhigeen aadbay u badanyihiin qoraalna laguma soo koobi karo.

Hadaba maktabka Qadaha Guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab kadib markii uu arkay waxqabadka wayn ee ay xaqiijisay Maxkamadda Raddul Madaalim ee wilaayooyinka Shabeelaha hoose iyo Sh/dhexe, waxay go’aamiyeen in maxkamaddaasi la balaariyo oo la gaarsiiyo in ay xalliso dulmiyada ay gaystaan dadka awoodda maamul leh, sida dulmiga ka iman kara Wulaadda, Mas’uuliyiinta iyo Ciidanka, si loogu kala xaq sooro kan la dulmiyay iyo kan wax dulmiyay.

Howsha diiwaankan cusub waxay hadda ka bilaabaneysaa labada wilaayo ee kala ah  Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe halka Wilaayooyinka kalena hawlgalkoodu bilaaban doono marka lasoo gabagabeeyo ta’siiska  makaatibta oo hadda lagu guda jiro.

Allaah waxaan ka baryaynaa in uu toosiyo ragga howshaas Maxkamadda dhabarka u ritay ee culayskaasi qaaday, isla markaana uu ku hanuuniyo Jidkiisa, Xikmadda iyo hadalka toosanna uu waafajiyo, si ay dadka ugu kala xukumaan Caddaalad isla markaana Muslimiinta ku nool wilaayaadka Islaamiga ahi ay ku noolaadaan iyadoo aysan jirin cid ay ka sheeganayaan ama dulmi ay ka baqayaan, harsanayana caddaaladda Islaamka ee Rabigood uu raali uga noqday.

قال تعالى: ﴿وَتَعَاوَنُواْ عَلَى ٱلْبرِّ وَٱلتَّقْوَىٰ وَلاَ تَعَاوَنُواْ عَلَى ٱلإِثْمِ وَٱلْعُدْوَانِ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ﴾(المائدة، 2).

وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه وسلم.

إصدار مؤسسة الكتائب للإنتاج الإعلامي

محرم 1433 هـ الموافق لديسمبر 2011 م

لا تنسوا إخوانكم المجاهدين من الدعاء