Wararka Somaliya “warsom.com”
Gudoomiyihii Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in uu iska casilay xilkii uu hayay kadib markii uu sheegay in faro galin qaawan ay ku sameeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.
Farxaan Xasan oo ah duqa degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug oo warqad qoraal ah soo gaarsiiyay Xafiiska Warqabadka Idaacadda Shabelle ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu shaaca kaga qaaday in uu iska casilay xilka duqa degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug.
Farxaan ayaa is casilaaddiisa waxaa uu ku sababeeyay kadib markii uu sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ay carqalado ku noqdeen shaqadiisa islamarkaana ay u adeegsanayaan arrimo kale, wuxuuna tilmaamay in Warqad is casilaadda uu u gudbiyay Madaxweynaha Maamulkaasi Max’ed Axmed Caalin, uuna ka aqbalay.
Ugu dambeyn ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’neyd in uu wax badan ka qabto arrimaha dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug hase ahaatee ay hortaagan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.




