Qaramada midoobay oo manta si kulul uga hadashay kufsiga ba`an ee lagu hayo haweenka barkacayaash

0
485

 

Wararka soomaaliya (warsom.com)

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay maanta inay aad uga walaacsan tahay kufsiga iyo dhibaatada lagu hayo Haweenka Soomaaliyeed ee barakacayaasha ah ee ku nool kaamamka ku yaal magaalada Muqdisho.

Wakaalada wararka u faafisa Qaramada Midoobay ee IRIN ayaa waxa ay shaacisay in xafiisyada arrimaha bini’aadanimada ee UK-ka inay aad uga walwalsan yihiin dhibaatada sida joogtada ah ay ula kulmayaan Haweenka barakacayaasha ah ee ku jira kaamamka Muqdisho, kuwaasi oo xilliyada habeenkii cooshadohooda loogu soo dhaco.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay diiwaan galisay Afartii bilood ee la soo dhaafay in ka badan 70- Haween ah kuwaasi oo kufsi iyo tacadiyo kale lagula kacay gudaha magaalada Muqdisho oo kaliya, iyadoo waliba ay jiraan kuwo kale oo aan la diiwaan galin, waxaana cadadkan uu muujinayaa heerka xad gudubyada Haweenka loo gaysto gaar ahaan barakacayaasha.

Warka ay baahisay wakaalada wararka ee IRIN ayaa waxa ay ku sheegtay in Haweenkaasi tiro badan oo ka mid ah haatan lagu dabiibayo Isbitaalada magaalada Muqdisho, iyadoo uu soo gaaray dhaawac jir iyo maskaxba ah.

Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay qaylo dhaan ka imaanaysa Haweenka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo habeenkii guryohooda loogu soo dhaco, waxaana arrintaasi cambaareeyey bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha UN-ka.

 

Wakalada wararka somaaliyeed warsom,com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka