Wararka soomaaliya (warsom.com)
Ciidamada dawalada kmg ee fariisamaha ku leh aga gaarka isgoyska sayidka ayaa rasaas xoogan ku firay xildhibaan ka tirsan dawlada kumeel gaarka.
Xildhibaankaani oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Nuur ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxa ay ku dhaawaceen Taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho xilli uu kasoo baxay gurigiisa.
Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in uu watay gaari, waxaana Ciidamo ka mid ah dowladda ayaa waxey rasaas xoogan oo sababtay inuu Xildhibaanka soo gaaro dhaawacyo halis ah kaga dhufteen lugaha, iyadoo loo qaaday mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan xasan c/nuur oo warbaahinda la hadlayay dhaawaca soo gaaray kadib ayaa waxa uu sheegay “ Madaxtooyada ayaan u socday, Baar bulsho hortiisa markii aan maraayo, Ciidan wadada hareeraheeda dagan ayaa nin waardiye ah oo kor saaran ayaa xabad igu soo riday, gaari ayaan saarnaa kaligay ayaan ahaa, gaarigana anaa watay”
Ilaa iyo iminka lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamada dowladda ay rasaas ku furaan Xildhibaan ka tirsan barlamanka, iyadoo sidoo kale aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dowladda KMG ah oo ku aadan dhaawaca Xildhibaankaasi.
Wakalada wararka somaaliyeed warsom,com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka