Raisal Wasaare Khayre Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Qardho:-(Daawo Sawirada)

0
520

Waxaa si wayn magaalada Qardho maanta loogu soo dhaweeyay raisal wasaaraha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre boqolaal shacab ah oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada aya araisal wasaaraha kaga hortay banaanka magaalada, Markii uu raisal wasaaruhu soo gaaray gudaha magaalada waxa uu ku dhex lugeeyay wadooyinka magaalada, iyadoo dhinac ay taagnaayeen boqolaal shacab ah oo ku labisan calanada soomaaliya iyo puntland sidoo kalena ruxaya caleemo qoyan.

Intaas ka dib raisal wasaaraha ayaaa shacabka kala hadlay fagaaraha dawlada hoose waxaa uu uga mahadceliyay reer Qardho sida ay usoo dhaweeyeen, raisal wasaaraha oo khudbad dheer jeediyay waxaa uu shacabka ku amaanay sida ay ugu bisil yihiin dawladnimada iyo sida ay u jecelyihiin madaxda qaranka.