Dawlada Kenya oo duqeen qasaaro sababtay ka geysatay dagmada baardheere

0
493

 

Wararka soomaliya 

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta markale degmada Baar dheere ee gobolka Gedo ay duqeeyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya.

Dad degmada ku sugan ayaa  wakaalad warsom.com u sheegay inay arkeen labo diyaaradood oo noocoodu yahay MIG kuwaasoo dhowr gantaal ku dhuftay garoonka diyaaradaha ee Baardheere halkaasoo ciidamada xarkada mujaahidiinta  Al-Shabaab ay ku leeyihiin xarun tababar.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in duqeyntaasi ay geysatay dhimshada sadax ruux iyo dhaawaca shan  kale oo ay ku jiraan dad rayid ah oo gadhawaa halka ay duqeenta ka dhacday..

Sarkaal ka tirsan xarkada Al-Shabaab oo ka hadlay idaacadda Andulus ee  ku hadasha afka xarkada ayaa beeniyey in xeradooda la duqeeyey, wuxuuna sheegay in gantaalada ay ku dheceen goob ay hay’ada Bisha Cas dad tabaaleysan ku siineysay cunto gargaar ah.

Nin joogan degmada Baardheere oo naga codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa wakaalada warsom.com  u sheegay in markii duqeynta la maqlay ay xarkada Al-Shabaab bilaabeen inay qoryaha lidka diyaaradaha hawada u tuuraan si ay uga hortagaan duqeymo kale. “Welina guuxa diyaaradaha waa la maqlayaa” ayuu yiri ninkaasi warsom u waramay.

Maalintii shalay ayaa diyaarado joog hoose ku duulaya waxay dhowr jeer dulmareen magaalada Baardheere, walow aysan wax duqeyn ah geysan sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dawlada Kenya wax war ah kama soo bixin oo la xiriira duqeynta maanta.

Wakaalada wararka soomaaliyeed Warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomliyeed