Wararka Naga soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaa maleeshiyaad soo weeraray ku dileen Saddex ruux oo rayid ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxaha soo weeraray deegaanka ay ka soo gudbeen Koonfurta deegaanka Isyeelow, waxaana lagu waramayaa in weerarkani ahaa mid lama filaan oo ah oo aysan dadka deegaanku ka sii warheyn.
Dadka la dilay ayaa isugu jiray Odayaal iyo dhalinyaro, sidoo kalana waxaa jira dadka ku dhaawacmay weerarka oo la dhigay goobaha caafimaadka iyadoo aaney jirin Cid loo qabtay,Falka Dilka ah ee la geystay.
Dilalka noocan ah ee ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Kenya ayaa loo sababeynayaa Aano Qabiil Dad la kala Dilay iyo is-qabqabsi mar marka qaar ka yimaada dhul daaqsimeedka iyo wadaaga biyaha deegaannadaas.









