HEY’ADDA NABAD SUGIDA QARANKA SOMALIA OO DAR DAR GELISEY HAWLAHA

0
475

Wararka soomaaliya


 
Tan iyo intii ay soo cusboonaadeen hawl galada lagu xaqiijinayo
nabadgelyada magaalada muqdisho ayaa hey’adda nabadsugidda qaranku
waxey aheyd mid si weyn uga muuqata hawlaha amni sugidda iyo difaaca
dagaalada ay dawladdu kula jirto mucaaradka.
Hey’adan ayaa aad hawlaheedu u muuqdeen goorti uu yimid agaasimaha
hadda maareeya hawlaha hey’addaas agaasime axmed macalim fiqi oo hore
u ahaan jirey dublamaasi dalkeena u meteli jirey dalal aduunka ah
waxeyna nabadsugida qaranku ku guuleysatey in ay qabato hawlo amni oo
farabadan sida soo bandhigida hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay hawl galo
kusoo qabatey soo bandhigida dhalinyaro la sheegey in ay kasoo
goosteen Al-shabaab,fashilinta iyo ka hortegida qaraxyo lala
damacsanaa in wax lagu yeelo hey’adaha dawladda iyo ciidamada qalabka
sida waa hey’adda u taagan ilaalinta qaranka waxey maalin kasta soo
qabqabataa dadka looga shakiyo in ay amniga wax u dhimayaan iyadoo
baaris kadid loo gudbiyo garsoorka cidii denbi yeelata waxaana
beryahan la maqlayey qaar kamid ah masuuliyiin iyo xildhibaano
eedeynaya hey’adda sidaas shaqadeedu tahey waana eed aan meesha qaban
karin sida uu sheegey wasiirka arr-gudaha iyo amniga qaranka c/shakuur
sheekh xasan eedahan ayaa yimid ka dib qaraxyo is xigxiga oo magaalada
muqdisho beryahan ka dhayey.
 
Wakaaladda wararka warsom.