Faafaaahin dheeri ah oo ka soobaxeyso dagaal xalay ka dhacay Ex-Control Afgooye

0
487

Wararka soomaaliya

 

Faah faahin dheeraad ayaa kasoo baxaysa dagaal khasaare geystay oo habeenimadii xalay ka dhacay Ex-Control Afgooye oo ay kusugan yihiin Ciidamada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa Ciidamo katirsan xarakada mujaahidiinta Al shabaab waxay abaarro 11-kii fiidnimo kusoo qaadeen Ciidamada Dawladda ee kusugan Ex-Control Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday qaddar kooban.

Afhayeenka Ciidamada ee aaga Ex-Control Afgooye Axmed Yare ayaa saaka warbaahinta u sheegay in halkaasi ay dagaal kusoo qaadeen Ciidamo katirsan Al shabaab kuwaasi oo isku deyey in ay goobta kala wareegaan Ciidamada Dawladda hase yeeshee waxa uu sheegay in ay iska difaaceen dagaalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray Axmed Yare in ay khasaare gaarsiiyeen kooxda shabaab katirsan ee weerarka kusoo qaaday Ciidamada Dawladda ee aaga Ex-Control Afgooye.

Wararka dadka deegaanka ayaa sheegaaya in ay saaka arkeen labo qof oo rayid ah kuwaasi oo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dagaalkii xalay ka dhacay Ex-Control Afgooye.

Xarakada mujaahidiinta Al shabaab ayaa xilliyada habeenkii ah waxay weerarro gaadma ah ku qaadaan fariisimada Ciidamada Dawladda iyo AMISOM ee fariisimada magaalada Muqdisho.

wakaalad warka soomaaliyeed warsom.com