Shirkan oo uu shir gudoominayay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ahaa shirkii billaha ahaa ee golaha amniga Jubbland, waxaana ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Jubbaland, saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, saraakiil ka kala socotay howlgalka AMISOM iyo kan Mareeykanka ee Soomaaliya.
Shirkan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta u faahfaahiyay wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Mudane Axmed C/raxmaan Xaaji Xasan.
Waxa uu xusay in shirka looga hadlay ammaanka guud ee Jubbaland, howlgallada ka soconayo qeybo ka tirsan gobollada Jubooyinka iyo sidii ay ciidamada kala duwan ee howlgalka ka qeybgalaya isu kaashan lahaayeen.
Dhinaca kale, Waxa uu sheegay in goluhu walaac ka muujiyay hab dhaqanka taliska xoogga dalka Soomaaliya, oo uu sheegay in goluhu dhaliil u jeediyay, kana digay isku dhacdo uu xusay in ay ka dhalan karaan howlaha talisku ka fuliyo qeybo ka tirsan Jubbaland.








