Dagaal Aad u Qaraar ayaa Galabta Ka Dhacay Degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeelaha Hoose Kaas oo La adeegsadey Madaafiic iyo Duqeymo Magaalada Lala Dhacey iyadoo lagu Soo Waramayo in Buundada Wabiga ee Magaalada Qarax Lala eegtay Taasoo ay Sameeyeen Dagaal Yahano Al-shabaab ka Tirsan oo Ciidamada Dawlada kula Dagaalama Gudaha Dalka Soomaaliya.
Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta Warsom u Sheegaey in Dadka Deegaanku Maanta oo Dhan arkayeen Dayuuradaha Aan Duuliyaha Laheyn oo Dul Hee Haabaya Magaalada Taas oo Dadka Deegaanka Cabsi ku Keentay,ayna Dad Badani Magaalada Isaga Baxeen.
Maahan Markii Ugu Horaysay ee Degmada Qoryoolay ay Ku Dagaalamaan Ciidamada Dawladda Federalka iyo Kuwa Al-shabaab,eeWaa kuwo Soo Noqnoqda Sida Badan Ma Jirto Cid Madax Banaan oo Ka Hadashey Dagaalka iyo Khasaaraha uu Sababay Marka Laga Reebo Guulo Ay kala Sheegteen Dhinacyada Ku Dagaalamey Qoryoolay.
warsom2011@gmail.com








