Magaalada Muqdisho oo La Filayo in Goor Dhaw uu Soo Gaaro R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

0
513

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi ballaaran oo ka socda dalka Itoobiya oo uu horkacayo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii la doortay ku jiray booqasho uu ku tagayay wadamada dariska la ah Itoobiya, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha cusub ka shaqeenayay xoojinta xiriirka Itoobiya la leedahay wadamada dariska ah.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada oo loo diiday in ay maraan gaadiidka dadweynaha , waxaana wadooyinka qaar lagu arkayaa ciidamo cusub.

warsom2011@gmail.com