Maamul Goboleedyada Puntland,Hirshabeele,iyo Somaliland oo Salaadda Ciidulfidriga Maanta Laga Wada Oogay.

0
562

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo dadweynaha salaadda Ciidda kula tukadey magaalada Garoowe,ayaa sheegay Puntland inay ka shaqeynayso nabadda , balse ay iska difaaci doonan cid walba oo soo weerarta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyo u direy shacabka , wuxuuna ugu baaqay midnimo – isagoo marka duulaan iyo daandaansi ku eedeyay Soomaaliland , waxaa kalo u caddeeyay Puntland inay dagaal caalami ah ku jirto oo ay iska difaaci doonan, al-Shabaab, Daacish iyo Soomaaliland.

“Dadka reer Puntland waxaan dhahayaa, dalka waa lagu soo duulay, haddii lagu soo duulay naftaadii maalkaagii iyo dhulkaagii waxaa kaliya ee lagaa rabaa waa inaad is difaacdo, waxaa la rabaa in aan marmarsiiyo loo samayn nabadda waan jecel nahay waligayana waan ka shaqayn jirnay, laakiin haddii la garan waayey oo duulaan bareer ah lagugu soo qaaday waa inaad is difaacdaan, waxaan isku difaacanaa midnimo iyo wadajir.” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gabagabadii, munaasabadda Ciidda oo ay hadallo ka jeediyeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa dadkii hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Camey waxaa ay sheegeen Puntland inaysan cidna duulaan ku ahayn oo ay dooneyso inay gaarto dhulkeedda, waxaana ay si siman u sheegeen inay ka go’antahay siddii ay ku gaari lahaayeen dhammaan deegaannada gobolka Sool.

 Hirshabeele:

Guud ahaan marka la eego masaajida magaalada Beledweyne ayaa subaxnimadii hore ee saakay laga bilaabay Akhirta Takbiirta, iyadoo Boqolaal ruux ay markii danbe meel fagaaro ah wada jir ugu Oogeen Salaada Cidda.

Culimada Salaada kaddib dadka la hadashay ayaa khudbadahooda dadka ku baraajiyay in ay ka shaqeeyaan Wanaaga, kana hortagaan wax kasta oo xumaan ah ama aan ku habooneyn Shareecada Islaamka, waxaana ay dhinaca kale Alle ka baryeen in uu ka aqbalo Soonka iyo guud ahaanba Acmaashii kala duwaneyd ee la soo qabtay intii lagu guda-jiray Bisha Ramadaan.

Dadka ayaa la arkayay iyaga oo raxan raxan jidadka hadba dhinac isku dhaafaya, meesha-na kama aysan marneyn isku marxabeynta iyo tahniyada ay dadku ku weyneynayaan munaasabada Ciidul-Fidriga.

                                                SOMALILAND:

Goboladda iyo degmooyinka Somaliland ayaa si weyn ugu dabaaldegay maalinta Ciidal fidriga oo caalamka islaamka oo dhan maanta laga ciiday.

Dadweynaha ayaa saaka subaxii u dareeray tukashadda saaladda Ciidda, waxaana markii ay soo dhamaysteen dadweyne iyo caruurba u dareereen suuqyadda, iyagoo dadku isku salaamayaan ciid mubaarak iyo ciid wanaagsan, waxana dadweynaha ka dareemaysay wejigoodda farxad iyo reyn reyn.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland aya fagarayaal kala duwan kula tukaday dadweynaha reer Hargeysa, waxaanay dadweynaha ugu hambalyeeyeen munaasibadda Ciidda.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaal katirsan ciidamada kala duwan ee dalka iyo haldoor kale oo bulshada katirsan, ayaa kumannaan katirsan shacabka caasimadda Hargeysa kula tukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda.

Salaanta Ciidda ka dib waxa uu ka hadlay in aanu dagaalku cidna u fiicnayn,isla markaana ay doonayaan in dalalka jaarka nabad kula noolaadaan, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Haddii aynu Somaliland nahay waxa aynu caalamka oo dhan kula dhaqmaynaa wanaag iyo nabad, wixii dhexdeena khilaaf ahna waxa aynu ku dhammaysanaynaa nabad, Bani’aadamkuna meel uu joogaba wuu is khilaafaa, laakiin wuxuu ku dhammaystaa wada-hadal iyo nabad, dalalka Jaarka ah nabad baanu ugu baaqaynaa, dunida oo dhanna nabad baynu kula dhaqmaynaa, wixii khilaaf naga dhexeeya qaran ahaan ama dawlad ahaanna nabad baanu ugu baaqaynaa,”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay nabadda iyo siday muhiim u tahay, waxaanu yidhi “Colaad iyo tafaraaruq midna kuma jirno, geyigan geeska Afrika-na maanta colaad uma baahna, dagaallo iyo colaad Soomaaliyi way kasoo daashay, Somaliland-na nabad bay ku dhaqan tay oo ku dhisantay, deriskeedana nabad bay ugu baaqaysaa, gudaheedana wixii khilaaf ah ee jira nabad bay ku dhammaysanaysaa.”

Sallaadda kadib, waxa uu madaxweynuhu qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaybo ka mid ah shacabka reer Somaliland oo carruur, dhallinyaro iyo waayeel isugu jira, kuwaas farxadda ciidul-fidriga awgeed booqasho ugu yimi, isla-markaana ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin madaxweynahooda inay la qaataan farxad ciidul fidriga awgeed.

Dhinaca kale,Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa shacabka ku dhaqan garoonka kubadda cagta GANNAD ee degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa kala qayb-galay salaadda Ciidul-fidriga.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku ka hadlay dagaaladda Tuko raq, waxanu yidhi “Dagaalka ay Soomaaliya maanta inagu waddaa waa dagaal xasad ah, warkooda way dhaqaaqeen oo meel bay gaadheene aynu lugta kaga xidhnaano, iyagu(Soomaaliya), lugta inaynu kaga xidhnaano oo aynu dhibaatada la qabno ayey jecel yihiin, innaguse taas ma jecline nabadgelyo ayeynu jecel nahay, ummadda reer Somaliland-na waxa aan leeyahay qiimaha nabaddu leedahay iyo wixii ina soo marayba waynu garanaynaaye aynu nabadda ku faro-adagyno oo waxa ina qaybinayo aynu ka tagno, waxa ina midaynayana aynu ka wada-shaqayno, qabyaaladda dagaal adag inaynu la galno ayeynu u baahannahay, xaqana inaynu isku taageerno ayeynu u baahannahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici). mar kale waxa uu ka hadlay dagaaladda labadda beelood ee Ceel afweyn, waxaanu yidhi “Annagu habeenna kuma seexanno inaanu dadkayaga kala jeclaysanno ama soo kala dhaweysannee, waxanu jeelnahay inaanu sida ugu dhakhasaba badan u dhammayno hawsha Ceel-afweyn, shacabka reer Somaliland-na waxa loo baahan yahay inay hawshaas nagala qayb-galaan.”

warsom2011@gmail.com