Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajilic Ayaa Hamalyo Ku Aadan Ciidda Ciidul Fidriga U Direy Dhamaan Madaxda Xisbiyada,Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiyada iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed Meel Walba oo ay ku Noolyihiin Isagoo U Rajeeyey in alle ka Aqbalo Camalkii Wanaagsanaa ee ay Soo Guteen Bishii Ramadaan.
Gudoomiyaha Ayaa ugu Baaqey Dadka Soomaaliyeed in ay Caawiyaan dadka Danyarta ah Agoonta iyo Dadka Naafada ah ee aan Lixaadkooda Waxba ku Qabsan karin iyo Hooyooyinka Agoonleyda ah ee aan Shaqeyn karin,Taas oo uu Sheegay in Ajar Farabadan Laga Helayo Hadii Buu Yiri Xataa Sakaatul Fidriga Qofka ku Waajibtey lagu eexiyo ama Loogu Roonaado.
Ugu Danbeyntii Gudoomiye Timajilic ayaa Dadka Soomaaliyeed u Rajeeyey Horumar iyo Nabad in alle Sanadkan kiisa Kale ku Gaarsiiyo Insha allaah Wuxuuna Sidoo kale ka Codsadey in ay Wadajirka iyo Midnimada Ilaashadaan Hal Meelna uga soo Wada jeestaan Cadawgooda Cabsida allena Daa’imaan.
Hambalyo Hambalyo Ciid Wanaagsan Ciid Mubaarik Kullu Caam Wa antum Bikhayr ayuu Hadalkiisa kusoo Gaban abeeyey Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic.
warsom2011@gmail.com









