Madaxda ugu Sareysa Maamulka Galmudug oo Dhagax Dhigey Mashaariic Dhismayaal Laga Hirgelinayo Dh/mareeb.

0
592

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo u waheliyo madaxa golaha wasiirrada dowlad-gobolleedka , Sheekh Axmed Shaakir ayaa maanta si wadajir ah uga dhagax-dhigay magaalada xarunta ah ee Dhuusamareeb, saddex mashruuc oo muhiim u ah dowlad-gobolleedka.

“ Dhuusamareeb waxaan la dooneyna inay yeellato muuqaal kale iyo in laga arki karo caasimadda dowlad-gobolleedka inay tahay.” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf oo marka dhagax-dhigey dhismaha xarunta wasaaradda Warfaafinta Galmudug , sidoo kale waxaa mas’uuliyiinta ay dhagax-dhigeen xarunta telefishinka Galmudug.

Waxaa intaan dheer oo islamaanta la dhagaxdhigey xarumaha nabadsugidda Galmudug iyo ciidammada sidda milateriga loo tababarro ee Daraawiishta , waxaa kalo la filaya xarunta in la dejiyo hay’adaha kale ee amniga dowlad-gobolleedka, sida u xaqiijiyay Madaxweynaha Galmudug.

Gabagabadii, madaxa golaha wasiirrada Galmudug , Sheekh Axmed Shaakir ayaa u ballanqaaday shacabka Galmudug in dhammaan deegaannada dowlad-gobolleedka la gaarsiin doonno mashaaricda horumarineed,wuxuuna xaqiijiyay xarumaha la dhagaxdhigey si dhaqso ah in dhismahooda loo billaabayo.