Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com
Ciidamo hor leh oo ka socda Dawladda Kenya ayaa gudaha usoo galay gobolka Jubadda Hoose kuwaasi oo ku biiray Ciidamadii horay Kenya uga joogay deegaanada Taabto iyo Qooqaanni ee gobolkaasi.
Ciidamada Kenya oo kasoo gudbay xadka maalintii shalay ayaa maanta gaaray deegaanada ay ka xiran yihiin difaacyada Ciidamada dawlada ee gobolka Jubadda Hoose.
Kolanyada ciidamada ah ee maanta gudaha usoo galay gobolka ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo laga dareemaayo deegaanada ay isku hor fadhiyaan Ciidamada dawlada iyo xarakada mujaahidiinta Al shabaab ee gobolka Jubadda Hoose.
Dadka ku dhaqan deegaanada Taabto iyo Qooqaanni ayaa inoo sheegay in abaabul dagaal ay wadaan Ciidamada dawlada kaasi oo ku aadan dagaal ay ku aadan Al shabaab.
Al shabaab ayaa maal mahii lasoo dhaafay waxay gobolka ka wadeen dagaallo gaadmo ah oo ay kusoo qaadaayaan fariisimada Ciidamada dawlada ee deegaanada Xayo iyo Qooqaanni.
Maalinti 4-aad ayaa waxaa degmada Afmadow iyo deegaanada hoos yimaada ka maqan isgaarsiintii waxaana la sheegay in ay sidaasi amreen saraakiisha xarakada mujaahidiinta Al shabaab ee degmada Afmadow gacanta ku haya.