Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com
Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maal-mahaan oo idil ay wadaan dadaalo xoogan oo ay taageero uga hellayaan shacabka Somaliyeed, iyagoo qorsheynaaya inay kahor taggaan Ciidamadda Shisheeye ee kusoo wajahan goobaha ay ka talliyaan.
Saraakiishaan ayaa waxay kullan balaaran ay ku qaateen magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, isla-markaana waxay si weyn ay uga hadleen dagaalada lagu soo qaaday, ee ay kusoo qaadeen Ciidamadda Dowladaha Itoobiya iyo Kenya.
Saraakiisha ugu caansan Shabaab ee kullankaan ka soo dhex muuqday, ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kullankaasi ka hadlay, ayaa wuxuu ku baaqay in dagaalo xoogan lala gallo Ciidamadda Dowladaha Itoobiya iyo Kenya, isagoona rajo ka muujiyay inay dagaalada ku jabin doonaan.
” Shariif waagii aan wada joongay waan uga digay inuu waxaas oo kale ku dhaqaaqo, runtii taas isna waa ogyahay, waxaana u sheegay in haddii madax uu ka noqdo Maamullada noocaas oo kale ah inuu khasaarayo” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo isna goobtaasi ka hadlay, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in lagama maarmaan ay tahay, in dalka dib looga saaro Ciidamadda Dowladaha Itoobiya iyo Kenya.
Sidoo kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu isna uu shacabka Somaliyeed uu ugu baaqay, inay dagaalo culus kala hortagaan Ciidamadda Kenya iyo Itoobiya.
Iskusoo wada-duuboo Dowladaha Kenya iyo Itoobiya, ayaa waxay doonayaan in dalka Somaliya ay ka sifeeyaan Al Shabaab, maadaama ay sheegeen inay khatar ku tahay ammaanka wadamada ku yaalla Geeska Afrika oo dhan, balse Al Shabaab ayaa waxay ku hanjabtay inay iska difaaci doonto.