Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayeey soo food saartay cabsi iyo walwal la xiriira ku safrida waddada isku xirtay Jowhar iyo Muqdisho kaddib weerarkii shalay lagu dilay Labo xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamanka maamulka.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka tiran Mudanayaasha Hirshabeelle ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay door muuqda ka qaataan xasilinta gobolka iyo xaqiijinta ammaanka wadooyinka ay ku safraan masuuliyiinta Hirshabeelle.
“Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka, Hirshabeelle keliya kuma filna nabadeynta deegaanka, xili kasta diyaar noo diyaar ah ma jirto waxaan dowladda ka codsaneynaa in ay gacan naga siiso sidii ammaan looga dhigi lahaa wadooyinkan.” ayuu yiri Xildhibaan Colow
Al-shabaab ayaa weerar culus oo ka dhacay deegaan ku dhaw degmada Balcad waxaa ay ku dileen Labo xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle, guddoomiye ku-xigeenkii deegaanka Raagge Ceele iyo qaar ka mid ah ciidamadii galbinayay gadiidka xildhibaannada.
warsom2011@gmail.com








