Xukuumadda Dalka Itoobiya oo Wada Qorshe Lagu Dhisayo Ciidanka Badda Iyagoon Badba Laheyn.

0
572

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay shaacisay qorshaha ay ku dhiseyso ciidamadeedda Badda, kaddib markii dalkaa uu dhammeystirey dhismaha ciidammada dhulka iyo cirka.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu ku faannay dalkiisa inuu ka mid yahay dalalka Afrika ee ay xoogganyihiin ciidammada cirka iyo dhulka, isagoo la hadlaya madaxa ciidammada difaaca qaranka ee Itoobiya, wuxuu xaqiijiyay in la joogo xilligii la qorsheyna-lahaa ciidammada Badda oo ay Itoobiya yeellato mustaqbalka.

“ Dadaalladii aan ku dhisnay awoodda difaaca qaranka , waxaan dhisnay mid ka mid ah ciidanka ugu xooggan dhulka iyo cirka ee Afrika.. waa inaan dhisnaa ciidamadeenna Badda mustaqbalka.”ayuu yiri ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Dalka Itoobiya oo ku yaalla bariga Afrika wuxuu ka mid yahay dalalka caalamka ee aan lahayn badda, laakin taas kama reebin inay helaan dad aqoon u leh cilmiga Badda oo harada Tana waxaa ku yaalla machad lugu barto cilmiga badaha , wuxuuna sannadkiiba soo saara illaa 500 qof kuwaas oo isugu jira ingineero, farsama-yaqaanno iyo saraakiil, laakin xukuumadda Addis Ababa waxay u aragta tirada inaysan ku filneyn waxaa hadda la qorsheynaya in la gaarsiiyo 1,000 qof.

Ra’iisul wasaaraha muddada kooban xilka haya ee Abiy ayaa bishii May la gaaray dowladda Sudan heshiis lugu horumarinayo dekedda Port Sudan ee Badda cas,waxaa kalo uu dowladda yar ee Jabuuti kula heshiiyay inay is weydaarsaddaan dekedaha , duulimaadyada iyo isgaarsiinta. Balse halka ugu ballaaran ee adeegyada dekeddaha ay ka hesho Itoobiya waa Berbera iyo Jabuuti – labada deked ayaana maceeshadda Badda soo marta ay kala soo deggaan.

Gabagabadii, dowladda Itoobiya waxaa ay qeyb ka tahay heshiis saddex geesood ah oo lugu qeybsaday saamiga dekedda magaalada Berbera ee Soomaaliland.

warsom2011@gmail.com