Dowladda Israa’iil ayaa waxaa ay sheegtay in ay ka jawaabtay, ka dib markii Gantaallo ay soo rideen ciidamada Falastiin.
Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyey laba goobood oo ku yaallo marinka Gaza kaddib marki goobahaasi laga soo riday gantaallo ku dhacay Koonfurta Israa’iil.
Ciidamda Israa’iil waxaa ay sheegeen in laba gantaal lagaga soo ganay dhinaca marinka Gaza.
Mid ka mid ah ayay qabteen ka kalana uu ku dhacay meel aan loogu talagalin.
Ma jirto weli cid ka mid ah kooxaha hubeysan ee ku sugan Gaza oo sheegtay in ay ka dambeysay weerarka gantaalladaasi.
Saacado kaddib, qaar ka mid ah dad deggan Gaza ayaa waxaa ay sheegeen in ay diyaaradaha Israa’iil duqeyn u geysteen xero ciidan lagu tababaro oo uu leeyahay ururka Xamaas.
Labada dhanba lama soo sheegin cid wax ku noqotay duqeynta diyaaradaha iyo gantaallada la soo riday midkoodna.
warsom2011@gmail.com









