Degaanka Muqakori oo Al-shabaab Shaaciyeen in ay Gacan ku Haynteeda La Wareegeen.

0
513

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa ay isaga baxeen ciidmada dowladda Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyay gacanta ku hayay gacan ku heynta deegaanka.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen maamulka deegaanka Moqokori kaddib dagaal culus oo halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday.

Wali wax war ah kama aysan soo bixin saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan, laakiin Al-shabaab ayaa bogga Internetka ku shaaciyay in ay la wareegeen gacan ku heynta Moqokori.

warsom2011@gmail.com