Wakaaalda wararka soomaaliyeed warsom.com
Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Gedo ayaa waxa ay cambaareeyeen duqeymihii shalay diyaarado aan la ogayn halka laga leeyahay ay ka gaysteen duleedka deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Markii shalay diyaarado nuuca dagaalka ah ay duqeeyeen duleedka deegaanka Ceel-cadde oo hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo qasaarona duqeymahaasi ay u gaysteen dadka ku sugnaa halkaasi ayaa arrintaasi waxaa cambaareeyay Waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Gedo.
Midka mid ah waxgaradka gobolka gado ayaa waxaa uu sheegay Waxgaradka in ilaa 40-gantaal ay ku garaaceen goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna sheegay in halkaasi ay ku geeriyoodeen 3-ruux, ayna ku dhaawacmeen 7-kale oo uu tibaaxay inay ahaayeen dad isugu jiray Caruur iyo Haween ku sugnaa halkaasi.
Waxgaradkaasi ayaa waxaa uu ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan beegsiga dadka shacabka ah, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in dadka rayidka ah lagala fogaado dagaalada, inkastoo uu sheegay in dhinacyada dagaalamaya ay iska warhayaan goobaha ay ku kala sugan yihiin.
Kenya ayaa waxa ay beenisay inay ka dambeysay duqeymihii shalay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah ay ka gaysteen duleedka deegaanka Ceel-cadde oo hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo wallow Milatriga Kenya dhowr jeer ay duqeymo xooggan ka gaysteen gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koofurta Soomaaliya.