Ciidamada Amniga Dalka Kenya oo Xir xirey Dad Lagu Tuhunsanyahey in ay Al-shabab ka Tirsanyihiin.

0
508

Saraakiisha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen saddex ruux oo lagu tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ayaa raggaasi ku xiray  Nyeri County, waxaana ay ku qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Nyeri degaanada hoos yimaada.

Waaxda Baarista ayaa sheegay in la xiray  Charles ,Mutua iyo Othaya,islamarkaana ay baaritaano ku waddaan raggaan lagu eedeyay in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

“Waxaan gacanta ku dhignay saddex oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab, ciidamada waxa ay ku waddaan baaritaano kala duwan” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska.

Al-shabaab ayaa inta badan weerarro qorsheysan ka geystay deegaanno ka tirsan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ,hasse ahaatee marar badan oo horey ayeey sheegeen saraakiisha Amniga in ay qabteen rag lagu tuhunsannahay yahay Al-shabaab.

warsom2011@gmail.com