Labo Marxuum oo Saaka Arooryadii Hore Lagu Diley Magaalada Muqdisho.

0
548

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay siyaabo kala duwan ugu toogteen degmada Wadajir Labo ruux oo la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa macalin dugsi Qur’aan.

Maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay in salaadii subax saakay kaddib rag hubeysan gurigiisa ugu galeen Nin macalin Dugsi Qur’aan ahaa, halka daqiiqdo kaddib isla rag hubeysan ku dileen Nin ka gacansan jiray Hilibka oo magaciisa lagu sheegay Muxuxidiin Cosoble.

Lama oga ilaa iyo hadda cida geystay labada dil ee ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana ay dilalkan imanayaan xili, isla maalintii shalay rag hubeysan magaalada ku dileen qof ka tirsanaa shaqaalaha Baarlamaanka iyo mid ka mid ah ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafiko.

warsom2011@gmail.com