Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in goor dhaw oo maanta ah ku dileen degmada Waabari ee magaalada Muqdisho qof ka tirsanaa shaqaalaha Golaha Shacabka sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu dilka dhacay.
Qofka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Dalax, sidoo kale waxaa werarka ku dhawacmay nin kale oo ay wada socdeen oo isagana magacabiisa lagu sheegay Cali Cabdullaahi Cabdi, kaddib markii rasaas lagu furay gaari ay wateen.
Sidoo kale wararka ka imanaya Isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis ayaa sheegaya in halkaas sidoo kale lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada wadooyinka.
Dilalka lala eegto mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo ciidamada ayaa siweyn ku kordhay tan markii la guda-galay bisha Ramadaan oo Al-shabaab ay kordhiyaan weerarrada qorsheysan.
warsom2011@gmail.com








