Wakaaalda wararka soomaaliyeed warsom.com
Qaraxyaadan oo ahaa miinooyin la dhigay agagarka isgooska baara u bax ayaa barqo nimadii manta ayaa waxaa lala beegsanayay ciidamo ka tirsan dawlada oo isticmaalayay wadadaas
Qaraxa ugu khasaaraha badan oo noociisu ahaa miinada meelaha fog laga hago ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Baar Ubax abaaro tobankii barqanimo ee maanta kaasoo sababay geerida lex qofood oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan dawlada.
Dad ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warsom.com u sheegay in uu aad u xooganaa qaraxa.
Isla markii uu qaraxu dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidamo kale waxayna xireen wadada dheer ee isku xirta isgoyska Hawl-wadaag iyo kan Baar Ubax.
Sidoo kale qaraxa ay geystay qasaaro ayaa ka dhacay Nawaaxiga Bangaariyada, isna wuxuu ahaa nooca miinada.
qasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa kasoo baxaya warar is qilaafsan laakin waxaa jira khasaare nafeed iyo mid dhaawac intaba.
Saaka aroortii hore ayey ahayd markii qarax aad u xooggan uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska Banaadir kaasoo ay ku geeriyoodeen saddax askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG.