Xukuumadda Soomaaliya oo Midawga Afrika kala Hadashey Faragelin Shisheeye Lagu hayo Soomaaliya.

0
553

Midowga Africa ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan faragelinta shisheeye ee l;agu hayo Soomaaliya, kdadib kulan uu magaalada Addis-Ababa ku dhaxmaray guddoomiyaha midowga Africa iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Muse Faki guddoomiyaha Midowga Africa iyo ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihin, Siyaasadda, Doorashada 2020-ka ee qof iyo cod, xasilinta amniga dalka, iyo xallinta khilaafaadka dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta dhexe ee Midowga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in faragelintaasi ay carqalad ku tahay dhismaha nabadda iyo horumarinta ka socda Soomaaliya.

“Waxaan qirayaa in faragelinta ay khatar ku tahay, guusha adkeyd ee laga gaaray howlgalka wadajirka ciidanka qaranka Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM, waxaan walaac ka qabnaa arrintaasi, aa muhiim in Soomaaliya ay hesho madax banaani.” Ayuu yiri Musa Faki.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Mahamed ayaa Madaxda dalka ka dalbaday in ay si wadaan dadaallada la dagaallanka musuqa, si Soomaaliya ay dib ugu laabato xubinnimada Hay’adaha Caalamiga ah ee dhinaca Maaliyadda.

warsom2011@gmail.com