Wasiirka Waxbarashada Dawlada FS oo Gudiga Arrimaha Bulshada Barlamaanku Codsadeen in Su’aalo La Weydiiyo.

0
503

 Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiinaya Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargaliyay in maanta uu jiro kulanka Baarlamaanka, waxaana kulanka shir guddoominaya gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Mudanayaasha ayaa su’aalo weydiinaya Wasiirka Waxbarashada, gaar ahaan xildhibaannada ayeey su’aalahooda la xiriiraan intii uu wasaaradda joogay wax-yaabaha u qabsoomay iyo Imtixaankii ay sanadkan qaaday Wasaaradda.

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa waxaa ay sida caadada aheyd xireen wadada hormarta xarunta Golaha Shacabka, si ammaanka loo xaqiijiyo inta uu kulanka socdo.

warsom2011@gmail.com