Sheikh Ayman Adawaahiri oo dagniin culus udiray dawlada mareykanka

0
512

 

Wakaaalda wararka soomaaliyeed warsom.com

Hogaamiyaha Alqaacida Ayman adawahiri ayaa fariim maquul ah uu soo duubay waxaa uu dignin ugu jeediyay dowlada Maraykanka in ay kanaqoto talaabooyinka ay ku qadayaan qaar kamid ah dalalka Islaamka.

Fariintan uu soo duubay hogaamiyaha Ururwaynaha Alqaacida  sheekh Ayman adawahari ayaa waxa uu kusheehagay in aysan siidayn doonin 13 shaqaala samafal ah oo u dhashay dalka Maraykanka ku waa oo u afduuban Alqaacida ilaa iyo xukumada Maraykanka ay kajoojiso weerarada diyaaradahood dagaal ay kagaystaan dalal badan oo ah kuwa islaamka oo ay kamid yihin Somalia,Bakistaan iyo dalka Yeman.

Ayman adawahiri hogamiyaha Alqaacida ayaa ugu baaqay ehelada Sadax iyo tobankaan qof gacanta ee ay gacanta kuhayan Alqaacida inay ubandhigan aman kacodsadaan madaxwayne Obama in uu joojiyo weerarada ay ka gaystaan diyaradaha Maraykanka oo ubadan kuwa Drones-ka dalalkasi oo ay qaarkodna ay kudhinteen weeraradasi madaxda sare sare ee alqaacida oo kamid ahaa hogamiyihii geriyooday ee shiiq Usama bin ladin hadii kalana ay talabo uqaadi doonana dilka 13kaasi shaqale ee dhashay maraykanka.

“obama been ayuu idinshegayaa been ayuuna idinsheegi doona” sidaasi waxaa yiri asawahiri.

Sidoo kale Adawahari ayaa fariintisa ugu gudbiyay xukumada Madaxwayne Obama in ay sii daayaan Blind shiiq, Omar abdul raxman,Ramsi yuusuf iyo sayid Nosair kuwaa oo kamid ah dagalayahanada alqaacida ee gacanta ugu jira Maraykanka.

Hadalkaan kasoobaxay hogamiyaha alqaaciad Ayman adawahari ayaa waxaa ay imanayaa xili dowlada Maraykanka diyaradaheda Drones-ka ay weeraro kagaystan ilaa iyo lix dal oo ay kujiraan dalalka yamen ,Somalia iyo bakistaan oo ugu digay maraykanka Asawahiri in ay werararan dalakasi oo ay kamid ka tahay dalka somaliya.