Iyadoo sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa maamul gobolleedka Galmudug ayaa dhinaca kale wasarradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya waxaa ay kulan isugu yeertay mas’uuliyiinta sare ee maamulka si loo dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaanshi Carabey iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa si lama filaan ah labaduba waxaa ay uga degeen degmada Cadaado oo horay fariisin ku-meel-gaar ah u aheyd maamulka Galmudug, iyaga oo eedeyn u jeediyay madaxweynaha Galmudug iyo dhamaan xubnaha kale ee ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta rasmiga u ah maamulka.
Akhriso Wareegto ka soo baxday wasaarrada arrimaha gudaha :

warsom2011@gmail.com









