Laacibka Mo Saalah oo La Sheegayo In Dhaawaciisu Aad U Daranyahey.

0
958

Laacibka weyn ee u dhashay dalka Masar Maxamed Salaax ee u dheela kooxda Liverpool oo xalay garabka si daran uga dhaawacmay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee dhexmartay kooxdiisa iyo Real Madrid ayaa ku jira isbitaal, waxaana la sheegay in la saaro Raajo.

Maamulaha ama tababaraha kooxda Jurgen Klopp ayaa yiri “Dhaawaca waa mid aad u daran”.

Salaax ayaa waxaa hardi ay foodda is dareen Sergio Ramos oo hormuudka kooxda Real Madrid , iyada oo marka ay dhulka iskula dhaceen ay gacanta u hoos martay.

Xiriirka Kubbadda cagta ee Masar ayaa sheegay in ay rajaynayaan in Maxamed Salaax ay u suur-tagali doonto in uu u safto xulka dalkiisa, kana qeybgalo koobka adduunka.

Ugu danbeyntii Kooxda Real Madrid ayaa markii 13aad ku guuleystay Koobka UEFA Champions League kaddib markii ay 3-1 ku dhufteen Xiddigaha Liverpool.

Dad badan ayaa rumeysan in guuldarada Liverpool xalay ka soo gaartay cayaarta ay sabab u tahay maqnaashaha Laacibkoodii weynaa Salah oo markii uu cayaarta ka sii baxayay taageerayaashu ka muujiyeen niyad jab weyn iyaga oo u muuqday kuwa sii saadaalinaya waxa ay cayaartu ku danbeyn doonto.

warsom2011@gmail.com