Wakaalada wararka soomaaliyed warsom.com
Maxkamad ku taallo caasimada Faransiiska Paris ayaa arbacadii xukun ku riday shan nin oo burcad-badeed Soomaali ah kuwaas oo seddaxsano ka hor afduubtay lamaane Faransiis ah oo dooni ku maraayay bishii Septemper 2008-da xeebaha Soomaaliya.
Maxkamada ayaa sii deysay nin kale oo isna lagu waayay wax dambi ah.
Xeer beegtida ayaa sheegtay dacwadan in ay tahay tii afaraad oo ay xukunto maxkamada Paris, waxa lagu soo eedeeyay burcad-badeeda la xukumay in ay qabsadeen lamaanaha faransiiska iyagoo ka dibna codsaday in la siiyo labo milyan, laakin 10-maalin oo ay heesteen muwaadiinta faransiiska waxa xoog u soo furtay ciidamada komandooska faransiiska ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale dawadqaadaha waxa uu ku eedeeyay ragan in ay dowlada Fransiiska ka dalbadeen siddii loo siideen lahaa lix nin oo burcad-badeed oo ku xiran xabsi ku yaallo dalka Fransiiska.
Ragan ay xukuntay maxkamada Paris ayaa waxa ay da’dooda ukala dhexeyso 21-ilaa 36-sano jir
Waxa uu codsaday xaakimka dacwadan qaadayay in lagu xukumo 6- ilaa 16-sano oo xarig ah.dalka Faransiiska waxa hadda ku xiran 22-burcad-badeed kuwaas oo suga xukun.
Ragan la xukumay ayaa maxkamada ka horqirtay dambiga ay geesteen qaar kood waxa ay sheegeen in lagu qasbay in ay galaan burcad-badeeda
Si kastaba, kooxaha burcad-badeeda Soomaalida ayaa hadda waxa ay heestaan 243-shaqaale ah iyo 10-markab kuwaas oo ay ka doonayaan in laga siiyo lacag madaxfurasho ah.