Wakaalada wararka soomaaliyed warsom.com
Dagaalka beeleed kan ayaa barqadii manta ka dhacay deegaanno hoos taga degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud kaas oo u dhaxeeyay beelo walaalo ah oo deegaanadaas wada daga.
Inta la xaqiijinayo ilaa afar ruux oo u badan dhinacyadii dirirtu dhaxmartay ayaa ku geeriyootay ilaa ku dhawaad lix kalana way ku dhaawacmeen oo badankood ahaa maleeshiyaadkii dagaalka ka qeeb galay.
Labada dhinac ee dirirtu dhaxmartay ayaa isku adeegsaday hub culus, taasoo keentay marka laga soo tago khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca in ay barakacaan dadkii ku noolaa deegaannada lagu dagaallamay.
Dagaallada ka dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ee dhaxmara maleeshiyada beelaha ayaa ka bilaawda ama salka ku haya muran la xiriira wadaag dhulka daaqsimeedka iyo biyaha, taasoo keentay in marka danbe xaalku gacan ka hadal isku badalo
agaallka ka dhacay degmada Balanbal ma’aha kii ugu horeeyay ee halkaa ka dhaca, waxaana jirta in marar badan oo hore sidan oo kale dagaallo ugu dhaxmareen maleeshiyo beeleed, laakiin haddana waxaa inta badan arrimaha soo dhaxgalayay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee isagu ka arimiya inta badan gobollka Galgaduud