Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Somaliya Mudane Cabdiraxmaan Dahir Cismaan oo Safar shaqo ku yimid dalka Maraykanka ayaa Xaflad lagu soo dhaweynayo loogu qabtay magaalada Bloomington gobolka Minnesta ee dalka Maraykanka.
Xafladaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Somaliyeed ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Somali ee Washington oo ay hoggaaminaysay Run Said Qoorsheel,
Macalin Said Salah Ahmed oo ka mid ah macalimiinta Soomaaliyeed ee Mudada ku jiray
Waxbarashada,isla markaana haataan macalin ka ah Jaamacadda Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ka ka hadlay taariikhda wax-barashada Somalia & Heerarka ay soo martay.
Waxbarashada,isla markaana haataan macalin ka ah Jaamacadda Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ka ka hadlay taariikhda wax-barashada Somalia & Heerarka ay soo martay.
‘Anigoo og Xilka ay hayaan Culeyskeeda muddada 27 sanadaha dib-u-dhaca ku dhacay Higsiga Adduunyada,meesha aan ka joogno inta ay le’eg tahay & hakashada nagu timid,1989,waxaanu ka qayb-gallay oo bilowday meel Eeshiyadaas ka mid ah wixii la oranayey Tacliinta Adduunka,Wax-barashada loo dhan yahay,wuxuu socday 10 sanno xuskaasi,10-kaas sanno,Waxaa Caalamka la gaarsiinayey,in qof kasta oo Muwaadin ah oo adduunka ku nool in uu Helo wax-barsho,ilaa heer Dugsi sarre aqoon ahaan,.
Siyaad Ali oo ka mid ah Guddiga wax-barashada magaalada Minneapolis ayaa wasiirka uga war-bixiyey Somalida & kaalimaha ay kaga jiraan Wax-barashada Gobolkaan.
”’ Waxaan ku faraxsannahay in uu wasiirku noo yimaado,ayadoo kaalin fiican ay kaga jiraan Soomaalida Gobolkaan meelo fiican”
Wasiirka ayaa inta uu sugnaa Gobolka minnesota waxaa uu booqday Dugsi sare ee South high oo ay wax ka bartaan arday badan oo Soomaaliyeed,wuxuuna u kuur gallay,heerka wax-Barasho ay dhallinta Soomaaliyeed gaarsiisan yihiin.
Wasiirka ayaa Sidoo kale booqday xarunta dowladda hoose oo uu ka soo dhaweeyey Guddoomiyaha Degmada Lixaad Mudane Abdi Warsame,iyadoo uu halkaas,war bixin ka siiyey wasiirka xaaladda guud ee Somalida gobolkaan & doorka ay ka qaataan arrimaha Bulshada.














