Maxaabiis u dhalatay dalka bakistaan oo manta laga dhoofiyay magaalada cadado

0
816

Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada cadaado ka dhoofay 11- Ruux oo u dhashay wadanka Pakistan oo maalmihii la soo dhaafay maamulka Ximan iyo Xeeb uu gacanta ku hayay ka dib markii laga soo badbaadiyay burcadbadeed ay ku dhawaad sanad u afduubnaayeen.

Inta aan garoonka lagayn Ragan ayaa waxaa xaflad sagootin ah loogu qabtay xarunta madxtooyada ee maamulka Ximan iyo Xeeb taasi oo ay ka soo qayb galeen xubna sarsare oo maamulka ka tirsan sida Gudoomiyaha golaga baarlamanka ahna kusimaha madaxwaynaha C/llahi Faarx Sandheere,.

Ibarahim oo ah kabtanka waday doonta Ragan ay ku kaluumasanayeen ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay isagoo Af Urdu ku hadlaya in bilooyin badan rafaad ay la kulmeen balse markii ay gacanta maamulka Ximan iyo Xeeb soo galeen si wanaagsan loo soo dhaweeyay noloshooda oo dhana ay ahayd mid wanaagsan marka laga reebo diiftii waqtigii afduubka oo Ragga qaarkii aysan wali ka bogsoon.

Mas’uuliyiintii Ximan iyo Xeeb ee halkaasi ka hadlay ayaa iyagu ka codsaday Ragan Pakistaaniyiinta ah iany iska cafiyaan dadkii dhibaatada marsiiyay, waxaana ay ka dalbadeen inay u sheegaan hadii ay jiraan wax ay xilligan ka tabanayaan maamulka balse ma aysan soo bixin.

Intaasi ka dib ayaa waxaa loo dhaqaajiyay dhanka garoonka diyaaradaha waxaana daqiiqado ka dib soo caga dhigatay diyaaradii qaadi lahayd oo ay la socdaan mas’uuliyiin ka tirsan safaarada Ximan iyo Xeeb ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha Baarlamanka Ximan iyo Xeeb ayaa Ragan lacago saad ah gudoonsiiyay iyadoo midkiiba la siiyay $100 oo jid mar ah, waxayna garoonka uga ambabaxeen si nabad ah.

Tani ayaa waxay soo afjaraysaa habow iyo xoriyad la’aan Ragan ay ku jireen ku dhawaad sanad inkastoo 20-kii maalmood ay marti u ahaayeen Ximan iyo Xeeb, waxaana la filayaa in safaarada Pakoistan ee Nairobi ay dhawaan gaarsiiso magaalada Karaji oo Ragan ay ka soo jeedaan.