Guddiga Aqalka Sare oo maanta soo saaray Baaqoodii labaad ee xalinta khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in ay lama huraan tahay in la qabto codeynta mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Akhriso Qoraalka ka soo baxay Golaha Aqalka Sare :
- La qabto Doorashada ama Codeynta Mooshinka laga Keeney Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.
- In laga Fogaado wixii wax u Dhimikara Habsami u Socodka Hawlaha Shaqo ee Qaranka loo Hayo.
- In Goobta Golaha Shacabka Caadigeedii Lagu soo Celiyo,Ciidamadii Hore u Joogeyna Lagu soo celiyo.
- In Amisom Door ka Qaadato Sugidda Amniga Xarunta Barlamaanka Soomaaliya.
- In Dhinac Kasta ku Qanco Natiijada Cod bixinta Mooshinka Hawlaha Qarankana aan la Ragaadin.
- warsom2011@gmail.com










