Ciidamo kawada tirsan dawlada oo dagaal qasaaro geystay ku dhaxmar

0
641

(Wakaalada wararka soomaaliyed Warsom.com)

Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Xamar weyne.

Inta la ogyahay 4 ruux oo sedex ka mid ah ay ahaayeen ciidamo ka mid ah booliska dowladda KMG ayaa ku geeriyootay 3 kalana wey ku dhaawacmeen iska horimaad maanta nawaaxiga saldhiga afaridrdood ee degmada Xamar weyne ku dhexmaray ciidamo kala tirsan booliska iyo Milatariga dowladda KMG.

Iska horimaadka oo la sheegay inuu socday mudo kooban ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in uu yimid kadib markii ciidamo ka mid ah booliska saaka ay howlgal hub ka dhigis ah ka bilaabeen degmadaasi howlgalkaasi oo ay hubka kaga dhigeen qaar ka mid ah askarta milatariga ee hubka ku dhexsita degmada.

Dagaaalka yaa yimid ka dib markii Mid ka mid ah askarta hubka laga dhigay, ayaa waxaa la-sheegay in uu soo ka xeystay askar kale, isla-markaana waxay dagaalo ku soo qaadeen Ciidamaddii maanta hub ka dhigista ku sameeyay, oo ku sugnaa degmada Xamar Weyne.

Booqo Warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomaalia