Wafti kasosda dawlada turkiga oo sogaray magaalada muqdisho iyo kulamo ay la qaaadanayaan madaxda dawlada kmg

0
568

wakaalada wararka soomaaliyeed ee warsom.com

Wafdigan ayaa saakay waxaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka Caalamiga ah ee Aden Adde oo uu halkaas ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali, golaha wasiirada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweynta ka dib Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Turkiga waxuu dhagax dhigay garoonka diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aden Adde, oo Turkigu uu ka bilaabo doono hirgalinta mashaariicda ay ka mid yihiin Tower cusub oo ku qalabeysan qalab casri ah, terminal cusub, iyo gidaarka amniga ee Garoonka iwm

Wafti uu hoggaaminaayo Raysal wasaare kuxigeenka Dawladda Turkiga Ali Babacan ayaa waxay soo kormeereen xeryaha barakacayaasha Muqdisho ee Badbaado iyo Rajo.

waxey kaloo tageen xarunta Hay’ada TIKA ay ku leedahay Muqdisho, ka dibna waxey wafdiga la qaateen kulan dheer Ra’iisul Wasaaraha iyo golahiisa wasiirada, kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo furay shirkan labo geesoodka ah ayaa u mahadceliyey Dowladda Turkiga oo uu sheegay in shacabka u soo gurmatay waqti xasaasi ah oo abaaro ba’an ay dalka ka jireen. Imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Turkigana waxuu indhaha u furay caalamka intiisa kale oo ka sii jeeday arrimaha Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa waxa uu sheegay kadib markii u kulan labo geesood ah uu la qaatay Mas’uuliyiinta ka socota Turkiga in uu u mahad celinayo  Dowladda Turkiga oo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u soo gurmatay waqti xasaasi ah oo abaaro ba’an ay dalka ka jiraan, isagoo tilmaamay in imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Turkigana uu indhaha u furay  caalamka intiisa kale oo uu sheegay in uu ka sii jeeday arrimaha Somalia.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Turkigaba ay ka go’antahay gacansiinta Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed una yimid magaalada Muqdisho inuu kormeer ku sameeyo mashaariicda laga fulinayo Muqdisho, waxuuna uu xusay in garoonka diyaaradaha ay ka fulin doonaan Tower cusub iyo howle kale oo wax kusoo kordhin kara garoonka

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Turkiga mashaariic hor leh oo ay Dowladda Soomaaliya u aragto kuwo muhiim ah sida hay’adaha kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta, Dastuur sameynta iyo howlo kale oo muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo baahanyahay in mashaariicda horumarineed la wada gaarsiiyo dhammaan dalka oo dhan si ay uga qeybqaataan soo celitna amniga iyo wada noolaashaha shacabka soomaaliyeed.

Aqriso magacyada iyo xilalka wafidaga kasocday turkiga ee sooo gaaray magaalada muqdishi

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Sayn Bekir Bozdag ayaa maanta soo gaaray Muqdisho. Wafdigan heerka sare ah waxaa ka mid ah Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Dr Kani Torun, Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Caafimaadka, Cevdet Erdol, Xubno baarlamaanka Turkiga ah sida Sayn Huseyin Tanriverdi, Sayn Selcuk Ozdag, Muzaffer Yurttas, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Turkiga Sayn Prof Dr. Nihat Tosun, Guddoomiyaha Hay’ada Horumarinta caalmiga ee TIKA, Sayn Dr Serdar Cam, Guddoomiyaha Hay’ada kale ee TOKI, la taliyeyaal, agaasime kuxigeenada wasaaradaha Turkiga, saraakiil ka socotay dowladda hoose ee Istanbul, khubaro iyo ganasatayaal Turki ah. Sidoo kale wafdiga waxaa la socday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Nur Sheikh Hamud.