Madaxweynaha somaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo maant dalka ku soo noqday

0
498

 

wakaalada wararka soomaaliyeed ee warsom.com

Wafdi baraalan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa manta kasoo gaday garoonka Diyaarahada Caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii ay dalka Itoobiya uga soo qaybgaleen shirka madaxda urur goboleedka IGAD oo Itoobiya looga codsaday inay caawiso DKMG ah, AMSIOM iyo ciidamada Kenya oo dagaal kula jira Al-shabaab.

Wafdiga madaxweyaha oo ay ka mid ahaayeen wasiirka gaashaandhigga, xildhibaano iyo xubno ka tirsan madaxtooyada ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho xubno uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wafdiga madaxweyaha oo ay ka mid ahaayeen wasiirka gaashaandhigga, xildhibaano iyo xubno ka tirsan madaxtooyada ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho xubno uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Kulankii madaxda urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen Addis Ababa ayaa waxaa looga dalbaday Itoobiya inay ka caawiso dowladda KMG Soomaaliya, AMSIOM iyo Kenya dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Itoobiya oo lagu magacaabo, Dina Mufti ayaa u sheegay warbaahinta inay si deg-deg ah uga jawaabi doonaan codsiga kaga imid IGAD ee ah inay caawiyaan gacan ka geystaan nabad kusoo celinta Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa waxay ciidamadeeda kala baxday Soomaaliya sannadkii 2009, kaddib markii ay dagaallo uu dhiig badan ku daatay la gashay xoogaggii Maxkamadihii Islaamka ee xilligaas kasoo horjeeday joogitaanka Itoobiya oo uu madaxda ka ahaa Sheekh Shariif oo hadda ah madaxweynaha Soomaaliya.