wakaalada wararka soomaaliyeed ee warsom.com
Ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay saaka hawlgalo balaaran ka bilaabeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadu ay gawaarida iyo dadka si aad ah u baarayaan.
Howlgaladaani oo laga fuliyey xaafado ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka banaadir gaar ahaa xaafado ay ka mid yihiin Buula tigniko, Somali Airline iyo Xerada Afasiyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qab qabtay in ka badan 120 ruux oo isugu jira askar ka mid ah dowladda KMG iyo rag kale oo ka ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya.
Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska iyo kuwa nabad sugida dawlada KMG ayaa aroortii hore ee saaka waxay soo buux dhaafiyeen isgoyska Km4, wadada Maka Al Mukarama iyo agagaarka xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliyda, iyagoo halkaasi ka bilaabay hawlgalo iyo baaritaano balaaran.
Waxaa la arkayay ciidamada oo dadka shacabka ah si mid mid ah u baaraya sidoo kalena gaadiidka yaryar iyo PL-ka si wayn u baaraya, iyadoo wadooyibka ay gawaaridu is cariiriyeen.
War saxaafadu ka heshay Taliska Booliska ayaa waxa ay sheegayaan in hawlgalkan micnihiisu uu yahay mid ammaanka lagu xaqiijinayo maadaama dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay qaraxyo ay ka dheceen magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah.