(Wakaalada wararka soomaaliyed Warsom.com)
Ciidamo katirsan Meleteriga dalka Kenya ayaa barqanimadii manta qarax miino oo xoogan lagula eegtay degmada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Qaraxa oo loo adeegsaday Miino, lagana hago rumuudka Koontoroolka ayaa lagu aasay hareeraha wado ay isticmaalaan gadiidka Milatariga dowladda Kenya.
nta la ogyahay 10-qof ayaa qaraxa maanta ku dhintay, 15-qof ayaa sidoo kale ay dhaawacyo kasoo gaareen dadka geeryooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa lagu waramayaa inay kujiraan ciidamada dawalda kenaya qaraxa maanta ka dhacay degmada Mandheera ee gobolka waqooyi Bari Kenya..
Ciidamada Kenya ayaa qaraxa kadib sameeyey hawlgallo ballaaran oo ay ku qab qabteen tiro dad ah oo looga shakiyey qaraxa maanta khasaaraha geystay ee degmadaasi ka dhacay.
Markii Ciidamada Milatariga dowladda Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya ayaa waxaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay kala kulmeen Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan gobolada Jubbooyinka/