(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa si dar-dar leh uga soconaya howlo lagu burburinayo dhismayaasha ku teedsan garoonka weyn ee ciidamada cirka ee ku yaal xaafadani Easleigh.
Waaxda Sec3 ee xaafadda Eastleigh oo kamid ah goobaha ay sida weyn u daganyihiin dadka Soomaalida ah ayaa saaka waxa ay ku waabariisteen burburin lagu sameynayo guryaha ku dhow dhow garoonka, iyadoona aad arkeyso katarabiilo burburinayo dhismayaal iyo weliba dad dhabarka ku sita alaabahoodii guriga u yaallay iyo kuwa ku qaxaya gaari gacmeedyo.
Askar fara badan iyo gawaarida wax lagu burburiyo ayaa saaka howlo burburin ah ka wado waaxda Sec3 ee magaalada Nairobi, iyadoona ay jiraan guryo fara badan oo dhulka lala simayo iyo kuwa kale oo la calaamadiyay lana sheegay in qaarkood la burburin doono, halka kuwa kalena la sheegay in la gaabin doono.
Xildhibaanka laga soo doortay Deegaanka Kamakunji, Yuusuf Xasan, ayaa cambaareeyay howlaha burburinta ah, isagoona sheegay in loo baahnaa in dowladdu ay la timaado qorshe ay ku badbaadineyso shacabka guryo la’aanta ah.
Xildhibaan yuusuf ayaa ka codsaday dowladda in ay hakiso howlaha burburinta, waxaana uu sidoo kale qalad ku tilmaamay in la burburiyo dhismayaal iyadoo aan loo digin dadkii deganaa.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee ay dowladdu howlo burburin ah ka sameeyso magaalada Nairobi, haseyeeshee howlahani ayaa qeyb ka ah qorsheyaal ay dowladdu ku adkeyneyso ammaanka guud ee magaalada Nairobi gaar ahaan goobaha ay deganyihiin ciidamada iyo weliba garoomada diyaaradaha, waxaana ay arintani ka danbeysay kadib markii xoogaga Alshabaab ay sheegeen in ay qaraxyo ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya, taasoo keentay in dowladdu ay qaado tallaabooyin ay ku sugeyso ammaanka dalka.
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya