(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Warsaxaafadeed uu soo saaray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maerykanka ee arrimaha Afrika, Johnnie Carson ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay uga digayaan Itoobiya inay ciidammo u dirto Soomaaliya sida Kenya oo kale.
“Waxaan rumeysannahay in habka keliya ee looga adkaan karo Al-shabaab ay tahay iyadoo lasoo celiyo daganaashihii iyo xasiloonidii Soomaaliya, howshaasna waxaa wada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,” ayuu yiri Carson oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay.
Goobjoogayaal ku sugan bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay inay arkeen ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka iyo dagaalka horraantii todobaadkan, kuwaasoo kasoo gudbay soohdinta gobollada Hiiraan iyo Galguduud ay ka wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Waxaan xusuusannahay in Itoobiya ay afar sano iyo bar ka hor ciidammo u dirtay Soomaaliya, ayna ku sugnaayeen Soomaaliya qiyaastii laba sano iyo bar illaa saddex sano, dadaalkii ay sameeyeenna ma noqon mid lagu guuleystay, waxayna taasi sare u qaaday awooddii Al-shabaab,” ayuu Carson mar kale yiri.
Kaaliyuhu wuxuu sheegay in dalka Kenya ay horay uga digeen inay farageliyaan dalka Soomaaliya, balse ay go’aansadeen bishii hore inay ciidammo ka gudbiyaan xadkooda, isagoo sheegay in Mareykanka uusan wax kaalmo ah ka geysan howlgalka Kenya kawddo Koonfurta Somaaliya.
Sarkaalkan u hadlay Mareykanka wuxuu sheegay in Kenya aysan kala-tashan howlgalka ay ka billowday. Balse Carson wuxuu sheegay in Al-shabaab ay tahay koox falal argagaxiso kawadda bariga Afrika, balse aanay qabin in xalkooda uu ku jiro awood ciidan.
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya